Soomaaliya & Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 98.2 Milyan
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey kulan ballaran oo u dhexeeyey xukuumaddiisa iyo ururka Midowga Yurub, kaas oo ka dhacay Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale diblimaasiyiin sar sare oo ka socday Ururka Midowga Yurub.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac, gaar ahaan doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta, sida uu shaaciyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraal kooban.
“Waxaan guddoomiyay wadahadal heer sare ah oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay leeyihiin, waxa uuna ku saabsanaa arrimaha wadaagga labada dhinac ee loola jeedo in lagu sii xoojiyo iskaashiga socda ee doorashooyinka soo socda, dib-u-habeynta dhaqan dhaqaale iyo is bedelka siyaasadeed ee ku saleysan ruuxda hindisaha horumarineed, ee ay leeyihiin Soomaalida iyo kuwa ay hoggaamiso Soomaalida,” ayuu yiri Rooble.
Sidoo kale labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro, waxaana saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
“Waxaan maanta goobjoog u noqday saxiixa iyo bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro. Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga.
Waxaan rajeynayaa in barnaamijkani wax badan ka taro koboca dhaqaalaha dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul wasaare Rooble.
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageero dhinacyo muhiim ah, sida dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda iyo dib u dhiska ciidamada.