Muuse Biixi: “Qaramada Middoobay arrin samafal kuma eka ee si siyaasadaysan ayay wax u bixiyaan”

0
766

Muuse Biixi: “Qaramada Middoobay arrin samafal kuma eka ee si siyaasadaysan ayay wax u bixiyaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku eedeeyay hay`adda Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin siyaasad.

“Sanadahan daambe hay`ado aan siyaasado gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, ee ay ka mid yihiin hay`ado badan oo isku magacaaba samafal oo dadka canshuurta bixiya ee dalalkooda lacag kaga soo uruuriya waxaanu gargaareynaa dad baahan oo aanu samafal u fidineynaa”

“Hay`ado badan oo ka mid ah sanadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimeysa ama aan ku habbooneyn qarannimada Somaliland, oo ah inay fuliyaan oo ay raacaan amarrada laga siiyo Villa Somalia ee dowladda ay iyagu ilaaliyaan ee ay mushaarka ka bixiyaan,markaas ayay u soo gudbiyaan Somaliland inay ku dhaqmaan, taasina ma suurtoobeyso”

Muuse Biixi oo ka hadlayay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta furmay ayaa sidoo kale sheegay in Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan uusan matalin Somaliland, balse ay soo dhoweynayaan ced walba oo “si ixtiraam ku jiro” u dooneysa inay ula shaqeyso.

“Hay`adaha waxaan muddo dheer isku heynaa wixii annaga iyo dadkayaga aad tareysaan annaga ayaad nagala tashaneysaan, sida loo fulinayo, sida loo qorsheynayo iyo baahiyahayaga, ninkii taas yeeli waayo wixiisa ha iska heysto, hadduu dowlad yahay iyo haddii uu hay`ad yahay.”

Shir ay dhowaan yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray amar ah in hay`adaha QM ay hakiyaan howlaha ay ka hayaan Somaliland, “inta xal laga garayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here