Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Farriin U Diray Laamaha Amniga Dowladda

0
298

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Farriin U Diray Laamaha Amniga Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laamaha amniga dowladda faray inay wadashaqeyn dhow la yeeshaan shacabka, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda.

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah ka shaqeynta amniga” ayuu yiri Maxamed Rooble.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay kormeer oo xalay uu ku tegay wadada muhiimka ah ee isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo Tarabuunka oo muddo ku dhow 10 sanno xirneyd, isla markaana ay daganeyd Safaaradda.

Safaaradda Qatar ayaa maalmo ka hor u guurtay dhismo ku yaalla nawaaxiga Garoonka, waxaana taasi keentay in dhagxaanta wadadaas taalay la qaado, ayna dowladda Federaalka, si rasmi ah ay u furtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here