DEG DEG : Madaxweynaha Somaliland Muuse Bııxı Oo Maanta Magacaabay ıyo Xılka Qaadıs Sameeyey 

0
675

DEG DEG : Madaxweynaha Somaliland Muuse Bııxı Oo Maanta Magacaabay ıyo Xılka Qaadıs Sameeyey

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo SL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Sahal Maxamed Jaamac;
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1- Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

2- Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .

3- Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.

4- Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

5-Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

6- Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here