Somaliland Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Soo Laba Kacleynta Cudurka COVID-19

0
341

Somaliland Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Soo Laba Kacleynta Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliland ayaa hadashay soo laba kacleynta uu waddamo dhowr ka sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus, xili kumanaan kun oo qof ay Caalamka ugu dhinteen Cudurkaas.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah, uuna mar kale kusoo laba kacleeyay dalal ku yaalla Caalamka, ayna jirin weli Daawo rasmi ah oo loo helay.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar Cali in aysan jirin kiisas labadii maalin ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay deegaanada Somaliland, hayeeshee haatan ay walaac farabadan ka qabaan Cudurka, xili halkaas ay ugu dhinteen dad ku dhow 100 qof, sidoo kalena uu ka dhacay dad farabadan.

Jabuuti ayuu sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland inay qaaday tallaabooyin hor leh oo lagu xakameynayo isu socodka Bulshada, si looga hortego faafitaan uu sameeyo Cudurka COVID-19, maadaama uu soo laba kacleeyay.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cumar Cali Cabdullaahi ayuu qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool deegaanada Somaliland ugu baaqay inay sameeyaan taxadir dheeraad, si looga hortego Cudurka, ayna qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in Gobolka Awdal ay ku wareejiyeen gaari nooca gurmadka deg-dega ah iyo agabyo kale, sidoo kalena ay Xarumo Caafimaad ka dhisayaan Magaalada Boorama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here