Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Laga Helay Cudurka Coronavirus

0
608

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Laga Helay Cudurka Coronavirus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaawadka ah ee WADANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa la sheegay in laga helay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyay in laga helay Cudurka COVID-19, kaddib markii la baaray, waxaana uu sheegay in uu galay Karantiil muddo 7 cisho ah.

“ ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay ayuu yiri” Mudane Ciro.

Cudurka Coronavirus, dadka laga helay waxaa ku jira Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland ku waasi Oo La Shaaciyay In Ay ka Bogsadeen Cudurkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here