Ciidamada Soomaaliya iyo Kenya oo rasaas isku weydaarsaday xadka kala qeybiya labad dal

0
297

Ciidamada Soomaaliya iyo Kenya oo rasaas isku weydaarsaday xadka kala qeybiya labad dal

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa rasaas isku weydaarsaday xad beenaadka u dhexeeya labada dal iyadoo aan la sheegin qasaare ka dhashay.

Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolkaasi Gedo, gaar ahaan duleedka degmada Balad Xaawo.
Dadka ku nool magaalada Beledxaawo ayaa xalay soo wajahday cabsi xoog leh iyadoo la sheegay in madaafiic xoog leh ay isweydaarsadeen labada ciidan.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay labada dowladood waxaana ay dhacdadan ku soo beegantay xilli ciidamo horleh oo Muqdisho laga qaaday la geeyay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here