Taliska Booliska Baladwayne Oo Joojiyay Banaanbax Laga Dhigayay Baladwayne Sheegayna Sobobta

0
389

Taliska Booliska Baladwayne Oo Joojiyay Banaanbax Laga Dhigayay Baladwayne Sheegayna Sobobta

Iyadoo la filyay in saaka uu bannaanbax ballaarani uu ka billowdo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hor yimid bannaanbaxaas maamulka iyo laamaha ammaanka Blaadweyne, waxaana ay sheegeen in aan wax bannaanbax ah la qaabn karin.

Taliyaha Booliska degmada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamed Rooble  (Qorsheele) ayaa sheegay in aysan laamaha aammaanka aysan ogayn aan la qaban karin, waxaana uu digiin u diray dad la sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay bannaanbaxyo waa weyn kaga Abaabuli laahayeen Magaalada Baldweyne iyo guud ahaan degaanada Gobolka Hiiraan.

Bannaanbaxa oo saaka loo ballansanaa ayaa waxaa la filayay in ay dhigaan bulshada ku nool Baladweyne iyo degaanada kale ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku muujinayeen sida ay kaga xun yihiin qaabka la doonayo in lagu dhiso maamulka Hirshabeelle, oo la sheegayo in Bulshada Gobolka Hiiraan ay ka xumaadeen isbeddel la doonayo in lagu sameeyo awood qaybsiga maamulka Hirshabeelle.

Shalaya ayaa waxaa dhacay bannaanbax kooban, balse waxaa maanta lagu madalsanaa in bannaanbax weyn uu qabsoomo, balse Taliska Booliska ayaa si cad uga hor yimid bannaanbaxaasi sida wararku sheegayaaan.

Qaar ka mid ah dadka doonayay in ay dhigaan Bannaanbaxa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin tallabada uuu qaaday maaamulka iyo laamaha ammaanka ee ay kaga hor yimaadeeen isku soo baxaasi ay sheegeen in ay ku cabbiri laahaayeen dareenkooda ku aaddan dhisidda maamulka Maamulka Hirshabeelle.

Hirshabeelle ayaa waxaa dhawaan ka dhici doonta doorasho, waxaana xusid mudan in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay wax ka beddel ku sameyso Awood qaybsiga horay loogu soo dhisay Madaxda xilkoodu dhacayo, waxaana arrintaasi si weyn walaac kaga muujiyay Bulshada iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here