Madaxweyne Trump oo la sheegay in uu leeyahay xisaab bangi ku yaal Shiinaha

0
450

Madaxweyne Trump oo la sheegay in uu leeyahay xisaab bangi ku yaal Shiinaha

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtey inuu leeyahay xisaab bangi oo ugaga furan bangi Shiinees ah sida ay daabacday jariirada New York Times.

Akaawnkan ama xisaabta bangi oo ay leedahay shirkadda Trump ee adeegyada hotelada ayaa waxaa la canshuuray intii u dhexeysay sanadkii 2013 illaa 2015

Afhayeen u hadlay Madaxweyne Trump ayaa sheegay in akaawnkan loo sameeyay arrimo la xiriira howlaha hotelada ee qaarada Aasiya.

Mr Trump ayaa hore u dhaliili jirey shirkadaha Maraykanka ee ganacsi la sameeyo dalka Shiinaha waxana uu qarxiyay dagaal ganacsi oo ka dhan ah Shiinaha.

Arrintan ayaa waxa ay soo shaac bixiyay wargeyska New York Times kadib markii wargeyska uu helay faahfaahino la xiriira dhaqaalaha Trump ha noqoto mid shaqsi ah ama mid shirkadaha uu leeyahay ah.

Wargeyska ayaa hore u daabacay warbixino sheegaya in Trump uu bixiyay lacag gaareysa $750 (£580) sanidihii 2016 iyo 2017,halka Xisaabta bangi uu ku leeyahay Shiinaha canshuur ahaan u bixiyay $188,561.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here