Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

0
274

Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Rag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah, waxaana xiliga la weerarayay Ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen fariisimo ay ku leeyihiin xaafad ka tirsan Baladweyne.

Ugu yaraan lix Askari oo ka tirsan Ciidanka ayaa lasoo weriyay inay ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday, kuwaasi oo la geeyay Xarum Caafimaad, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa weerarka kadib howlgalo amniga lagu xaqiijiyay ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoona ay xusid mudan tahay in ragii hubeysnaa ay baxsadeen.

Saraakiisha amniga Baladweyne ayaa weli ka hadlin weerarkii habeenkii xalay aheyd ka dhacay halkaas, mana ahan markii ugu horreeysay oo weerar uu ka dhacdo Magaaladaas, waxaana horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here