Cudurka Uu U Dhintay Marxuum Cali Khaliif Galeyr Oo La Shaaciyay

0
362

Cudurka Uu U Dhintay Marxuum Cali Khaliif Galeyr Oo La Shaaciyay

Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed ayaa shaacisay Xanuunka uu u Geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyoday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed.

Waxaa la sheegay in lagu sameeyay Baarintaan maydka Marxuumka, kadibna la ogaaday in uu Qabay Caabuqa Covid19, waxaana sidaasi Warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf.

Magaalada Jig jiga oo uu dhawaan tagay Marxuumku ayaa la sheegay in Jimcadii uu Xanuunsaday, waxaana Xanuunka uu ahaa sida la sheegay mid soo booddo ah, oo haleeley markii uu tagay Magaaladaas.

Maydka Marxuumka ayaa waxaa loo soo qaadi doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaaliya si aas qaran loogu sameeyo, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maaxmed Xuseen Rooble uu Magacaabay Guddi ka shaqayn doona Aaska Marxuumka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here