Diyaaradaha Kenya Oo Duqeymo Ka Fuliyay Gobolka Gedo

0
382

Diyaaradaha Kenya Oo Duqeymo Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saacadihii lasoo dhaafay ay diyaarado dagaal Duqeymo ay ka gaysteen Gobolkaasi, waxaana lsoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay duqeyntaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in degaanada la duqeeyay hoostagaan degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbaharreey, waxaa si gaar ah loo duqeeyay degaanada:  Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji iyo Baliga Dhadhaable, iaydoo wararku sheegayan in Goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen dad Xoola dhaqato ah.

Diyaaradaha ayaa sida la sheegay waxaa laga leeyahay Kenya, Waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah oo xoola dhaqato ah, inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Kenya ayaa waxaa duqeymo ka fulisaa dagaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo iyo Jubbooyinka, waxaana ay sheegaan in ay bar-tilmaameedsadaan Al-shabaab, inkastoo mararka qaar ay laayaan dad shacab ah oo halkaasi ku nool, kuwaas oo u badan Xoola dhaqato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here