DEG DEG:-Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

0
389

DEG DEG:-Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Qarax ayaa lagu soo warramayaa in uu hadda ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose,w axaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxa la sheegay in uu ka dhacay degmadaas.

Wararku waxaa ay sheeegayaan in Qaraxu uu ka dhacay Xarun Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degmada, waxaana la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Wali majirto cid xaqiijin karta Khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay Qaraxa, waxaana la sheegay in Ciidanka ammaanka Afgooye ay xireen isku socodka goobta ay wax ka dhaceen iyo degaanada ka Agdhaw.

Qaraxyada iyo dilalka Qarsheysan ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan degaanno iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha hoose, waxaana falalkaas ammaanka liddiga ku ah dusha saarta dagaalamayasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here