Dagaalka Azerbaijan Iyo Armenia Oo Sii Xoogaystay Iyo Iiraan Oo Digniin Soo Saartay

0
306

Dagaalka Azerbaijan Iyo Armenia Oo Sii Xoogaystay Iyo Iiraan Oo Digniin Soo Saartay

Iiraan ayaa ka digtay in dagaalka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya dalalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan iyo Armenia uu sababi karo dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay inuu rajeynayo in xasilooni uu ku soo dabaalo gobolka kaddib maalmo uu ka socdo dagaal culus oo ka bilowday gobolka Nagorno-Karabakh.

Gobolkan wuxuu rasmi ahaan qeyb ka yahay Azerbaijan balse waxaa ka taliya dad isir ahaan ka soo jeeda Armenia.

Dagaalka haatan socdan waa kii ugu xumaa muddo tobnaan sano ah, labada dhinac ayaana midba kan kale ku eedeeyay inuu isagu bilaabay.

Madaxweyne Rouhani ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin madaafiic habow ah oo ku soo dhaca ciidda Iiraan.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilli ay soo baxeen warar sheegaya in madaafiic ay ku dhaceen xaafado ku yaalla xadka waqooyi ee ay Iiraan la leedahay Armenia iyo Azerbaijan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here