Cuba Iyo Kenya Oo War Kasoo Saaray Dhaqaatiir La Sheegay In Al-Shabaab Ay Siidaayeen

0
343

Cuba Iyo Kenya Oo War Kasoo Saaray Dhaqaatiir La Sheegay In Al-Shabaab Ay Siidaayeen

Dowladaha Cuba iyo Kenya ayaa war kasoo saaray warar sheegayay in Al-shabaab ay siidaayen Dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo in muddo ah gacanta ugu jiray dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaana labada dowladood ay beeniyeen arrintaas, iyadoo warbaahinta Caalamka ay tan iyo shalay qorayeen in Al-shabaab ay sii daayeen laba dhaqtar oo u dhashay Cuba, oo sida la sheegay sanad iyo bar ay haysteen Shabaab.

Juan Antonio oo ah Agaasimaha Warfaafinta Wasaaradda Arimaha dibadda Cuba ayaa sheegay in ay taasi tahay mid wax kama jiraan ah, ayna warbaahinta Caalamiga ah ay soo xigteen ilo wareedyo qaldan,iyadoo sidoo kaleAfhayen u hadlay Kenya uu sheegay in aysan dowladda Kenya aysan waxba ka ogayn waxyaabaha warbaahintu faafiyeen, aysana jirin Dhaqaatiir lasii daaayay.

Warar Shalay soo baxay ayaa sheegayay in Al-shabaab ay sii daayeen laba dhaqatar ah oo u dhashay Cuba, kuwaas oo u Afduubnaa Al-shabaab muddo sanad iyo bar ah, waxaana Al-shabaab ay weerar ku qaaday Assel Herrera iyo Landy Rodriguez xilli ay ku sugnaayeen Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barre ee dalka Kenya, waxaana dhaqaatiirtaas ay kamid ahaayeen 100 dhaqtar oo Dowladda Kenya ay ka keentay Cuba si ay Gobolada Dalka adeeg caafimaad uga fuliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here