Dowlad Baareysa Xad-Gudubyo Ay Ku Kaceen Ciidankeeda Gaarka Ah

0
380

Dowlad Baareysa Xad-Gudubyo Ay Ku Kaceen Ciidankeeda Gaarka Ah

Taliyaha Booliska dalka Nigeria Maxamed Maigari Dingyadi ayaa sheegay in ay jirto baaritaano ku saabsan eedeyn ka timid dhaqan xumo ay ku kaceen ciidanka gaarka ah ee ka hor tagga dhaca, kuwaas oo la sheegay in shacabka u geystaan xadgudubyo joogto ah.

Axaddii, Taliyaha booliiska Nigeria Maxamed Adamu waxaa uu shaqada ka joojiyay ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka dhaca ee loo yaqaano Anti Robbery Squad.

Waxaa baraha bulshada Nigeria waxaa qabsaday hal ku dhig ah ‘hala soo gabagebeeyo SARS kaas oo ka dambeeyay markii ciidankaas gaar ah dileen wiil yar xilli ay howlgal ka wadaan magaalada Lagos, sabtidii la soo dhaafay.

Waxaa horey jirey baaritaano dowladdu sheegtay in ay ku sameynayso ciidanka lagu eedeeyo in ay ku tacadiyaan shacabka hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaankaas. Bulshada Nigeria waxay doonaysaa in ay hesho xogta ku saabsan natiijada baaritaanada dowladdu horey u sameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here