Rag Ka Ganacsada Caruurta Oo Lagu Qabtay Shabeellaha Hoose

0
406

Rag Ka Ganacsada Caruurta Oo Lagu Qabtay Shabeellaha Hoose

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay inay ka ganacsadaan Caruurta yar yar.

Raggaas oo laba ah ayaa la qabtay xili ay ku sugnaayeen goob laga raaco gaadiika oo ku taalla Afgooye, iyagoo doonayay sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in Gaari PL ah soo saaran Gabar yar oo maalmihii lasoo dhaafay la boodi-goobayay.
Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in raggaan ay qirteen inay ka tirsan yihiin habakad ka shaqeysa arrimaha ka ganacsiga Caruurta iyo qalaafiladda Caruurta, waxaana haatan lagu xiray Saldhig Boolis.

Sidoo kale raggaan ayaa sheegay in muddo ay ku shaqeyn jireen sidii ay uga ganacsan lahaayeen Gabadhaha yar, iyagoona tilmaamay in soo qabasha gabadha haatan lagu qabtay ay ku qaateen lacag dhan 500 Dollar.

Muddooyinkii ugu dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay aad ugu soo badanayeen dad ka ganacsada Caruurta yar-yar iyo qalaafiladda, isla markaana waxaa baraha Bulshada lagu faafinayay sawirro Caruur maqan oo la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here