Madaxweyne Trump oo ka baxay isbitaalka kuna laabtay Aqalka Cad

0
395

Madaxweyne Trump oo ka baxay isbitaalka kuna laabtay Aqalka Cad

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa dib ugu noqday Aqalka Cad habeenkii Isniinta, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland.

Madaxweynaha ayaa halkaas lagaga daweynayey xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca twitterka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay viruska ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 kun oo ruux oo Maraykan ah. Waxa intaas dheeraa in uu Aqalka Cad galay isaga oo aan xirneyn waji daboolkii.

Ka dib markii dayuuraddii wadday ee Marine One ay ku soo degtay Aqalka Cad, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna iska bixiyey daboolkii wajiga, isaga oo halkaas shaaca ka sheegay “Xaalad wanaagsan baan dareemayaa.”

Trump ayaa sheegay inuu dib u bilaabayo ololihiisa doorashada iyadoo muddo ka yar bil ay ka harsan tahay doorashada dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here