Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Fariina Diray

0
360

Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Fariina Diray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu hayo xanuunka COVID19 ayaa xalay sii daayay muuqaal cusub oo uu kasoo duubay Isbitaalka uu kujiro, kaasoo uu ku sheegay inuu dareemayo inuu soo fiicnaanayo islamarkaana uu rajeynayo inuu dhaqso kusoo bagsoodo.

Muuqaal afar daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlay ayuu ku sheegay inuusan fiicneyn markii la dhigayay isbitaalka Walter Reed ee duleedka Washington, kadib baaritaankii la masriiyay Jimcihii ee looga helay xanuunka.

Laakiin waxuu sheegay inuu aad u fiican yahay hadda islamarkaana ay si adag uga shaqeynayaan inuu dib usoo kabto, isagoo intaasi ku daray inaysan garaneynin sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda oo uu sheegay inay mari doonaan tijaabada dhabta ah.

Trump codkiisa ayaa laga dareemayay waxoogaa daal ah intii muuqaalka uu socday, laakiin wuxaa ka muuqday niyad wanaag waxuuna sheegay inuu u dagaallamayo malaayiin dad oo dunida daafaheeda ku nool kuwaas oo la ildaran Virus-ka, isagoo intaasi ku daray inay ka adkaan doonaan cudurka COVID19.

Xanuunka COVID-19 ee ku dhacay madaxweyne Trump ayaa imanaya, muddo bil ah ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here