Madaxweyne Trump oo Isbitaal Loola Cararay kadib Markii Shalay Civid 19 laga helay 

0
443

Madaxweyne Trump oo Isbitaal Loola Cararay kadib Markii Shalay Civid 19 laga helay

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa la dhigay Isbitaal si loo daweeyo, ka dib markii laga dareemay neef qabatin.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo Isbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

Hase yeeshee Madaxweyne Trump ayaan xilka ku wareejin ku xigeenkiisa Mike Pence oo aan laga helin cudurka Covid-19.

Madaxweyne Trump ayaa muuqaal oo kooban oo uu soo duubay ku sheegay inuu wanaagsan yahay uuna rajeynayo in degdeg uu kaga bogsado cudurka Covid-19.

Marwada Madaxweynaha ayaan la dhigin isbitaal waxaana lagu baxnaaninayaa aqalka cad ee Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here