Dab Xoog Leh Oo Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaalla Dhuusamareeb

0
383

Dab Xoog Leh Oo Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaalla Dhuusamareeb

Waxaa Goordhow dab xoogan uu ka kacay kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dabka ayaa kusii faafaya goobo Ganacsi ah oo ku dhegan goobta kaalinta shidaal ee ku taallo oo ah bartamaha Magaalada, isla markaana dabkaas waxaa uu yahay mid xoogan, waxaana socda gurmad lagu deminayo dabka.

Qiiq iyo uuro madow ayaa cirka isku shareertay, taasi oo laga arkayay guud ahaan Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano ku dhow, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday goobta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dabkaas uu geystay Khasaaro hantiyadeed oo farabadan, waxaana gurmadka lagu deminayo dabka sameeynaya dadka deegaanka, iyadoona Ganacsatada goobahaas leh ay wadaan dadaadal ay hantidooda ugala baxayaan halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here