Sawirro:-Gaari Ku Laayay Geel Isgoys Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

0
404

Sawirro:-Gaari Ku Laayay Geel Isgoys Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Siinaay dhinaca Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu yimid, kadib markii uu soo fariin goostay Gaari nooca iska rogaha ah ee qaada Carrada iyo dhagxaanta, kaasi oo ka yimid dhinaca Suuqa Siinaay.

Darawalkii waday gaariga ayaa si toos ah ugu dhuftay dhagxaan horey loogu xiray Isgoyska Siinaay gaar ahaan dhinaca Boondheere, waxaana gaariga uu halkaas ku dilay 4 Neef oo geel ah oo goobta joogay, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Darawalka.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinaya geela oo dhulka daadsan, isla markaan qaarkood gaariga uu dul-maray geela, gaarigana uu qeyb ka burburay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan oo horey ka dhacay shilal geystay Khasaarooyin, kuwaasi oo intooda badan ka dhashay gaadiid soo fariis goostay iyo kuwo siyaabooyin kale ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here