Farmaajo Oo Shaaciyay Sababta Uu Uga Tanaasulay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

0
335

Farmaajo Oo Shaaciyay Sababta Uu Uga Tanaasulay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo shaaciyay sababta uu uga tanaasulay Doporasho qof iyo Cod ah.

Waxaan ku tanaasulay markii ay gaartay meesha u dambeysay oo ah in lakala tago, waxaa i soo baxday labo inaan kala doorto, waxay kala yihiin in dalka aan isku haayo oo aanu kala tagin iyo in aanu shisheeye na soo faragelin oo aysan isu keen soo jiidin ayaa keentay inaan qaato tanaasul, waxeena ha xumaado ha samaato aan gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda qaadano, laakiin shisheeye aanu marna na soo dhex gelin” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle , Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here