Boqortooyada Baxreyn iyo Israel oo ku heshiiyay inay xiriir sameystaan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in wadanka Baxreyn iyo Israel ay ku heshiiyeen inay xiriir diblumaasi sameystaan.
Boqortooyada Baxreyn ayaa noqoneysa dalkii labaad ee ku yaal Khaliijka oo muddo soddon cisho gudahood la sameysta xiriir diblumaasi dalka Israel.
Tobanaan sano ayay dalalka Carabta diidanaayeen inay wax xiriir ah la sameysteen inta laga xalinayo khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israel.
Hase yeeshee bishii hore ayaa wadanka Imaaraadka Carabta oggolaaday inuu caadi ka dhigo xiriirka Israel.
Baxreyn ayaa ah dalka afaraad ee ku yaal Khaliijka ee aqoonsada Israel tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1948kii.Dalalka Masar,Jordan iyo Imaaraadka ayaa xiriir diblumaasi hore ula sameystay Israel.
“Guul kale oo taariikhi ah maanta!” Mr Trump ayaa qoray, isaga oo raaciyay: “Labadeena weyn ee saaxiibka ah Israel iyo Boqortooyada Bahrain waxay ku heshiiyeen heshiis Nabadeed.”
Ka hor intaan Imaaraadku ku dhawaaqin bishii Ogosto, Israa’iil wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama la lahayn waddamada Khaliijka Carabta.