Shirka Dowladda Federaalka Iyo M/Goboleedyada Oo Maanta Furmaya
Saacadaha soo socda ee Maanta oo sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Wadatashiga ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Shirkaan ayaa maalmo kahor lasii qorsheeyay inuu furmo Maanta, sida ay shaacisay Madaxtooyada, kaasi oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrinta Doorashooyinka 2020/2021 iyo dhameystirka heshiisyadii Dhuusamareeb-3.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada, iyagoona isla gartay in laga wada qeyb galo shirka wadatashiga ah, maadaama uu yahay mid la wada sugayo natiijada kasoo bixi doonta.
Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay safaro Deg-deg ah uga baxay Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Galmudug Axmed Madoobe iyo Qoorqoor, iyagoona aaday Magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobio.
Ujeedka Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yahay sidii uu Kismaayo uga qeyb geli lahaa Aas loo sameeynayo Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi oo shalay qarax Ismiidaamin ah lagu dilay, halka Madaxweyne Qoorqoor uu iska Kenya kulan gaar ah ula qaatay wafdi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta.
Warar la helayo ayaa sheegaya in mar kale Maanta uu dib u dhac uu ku yimaado shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo, maadaama Muqdisho ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo Qoorqoor.
Shirkaas ayaa markii hore lagu waday inuu dhaco khamiistii lasoo dhaafay, hayeeshee waa uu baaqay, basle kulan kordhac ah oo isla khamiistii ay yeesheen Madaxda ayaa lagu shaaciyay in Maanta oo sabti ah inuu furmo shirkaas.