Gabadhii U Doonannayd Khaashoqji Oo Gaashaanka U Daruurtay go’aanka Maxkmadda Sacuudiga

0
588

Gabadhii U Doonannayd Khaashoqji Oo Gaashaanka U Daruurtay go’aanka Maxkmadda Sacuudiga

Gabadhii u doonannayd Suxufigii la diley ee ahaa mucaaradka Sacuudiga, Jamal Khaashuqji, ayaa ku cambaareysay maamulka Sacuudiga xukunnada kama dambaysta ah ee la xidhiidha dilkii labo sano ka hor laga geystay magaalada Istanbul.

Maxkamaddu waxay amartay inay muddo xabsi ah ay ku beddelayso shan xukun oo dil ah – laakiin midkoodna dambiilayaasha lama magacaabin, haweenayda u doonan Mr Khashoggi, Hatice Cengiz, wax ay iyana arrintaasi ku tilmaantay “caddaaladdii oo lagu jeesjeesayo”.

Madaxtooyada Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceysay xukunka, waxayna sheegeen in xukunkani ka hooseeyo rejadii Turkiga iyo Beesha Caalamka.

Maxkamad ku taalla Sucuudi Carabiya ayaa xukunka ka khafiifisay shan qof oo loo heystay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018-kii, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Raggan ayaa horey loogu xukumay xukun dil ah.
Dacwad oogaha guud ee dalkaas wuxuu sheegay in raggaas lagu riday 20 sano oo xarig ah maadama qoyska weriyaha ay cafiyeen.

Halka maxkamaddu ay ayidday xukun u dhexeeya 7 ilaa 10 sano oo lagu riday saddex qof ee kale.

Kaashuqji oo si weyn u dhaleecen jiray xukuumadda Sucuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul.
Dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriyaha lagu dilay howlgal aan fasax loo heysan, dacwad oogayaasha Sucuudiga waxay dacwad kusoo oogeen 11 qof oo aan magacyadooda la shaacin.

Shan qof ayaa lagu riday xukun dil ah kuwaas oo la sheegay in si toos ah ay uga qeyb qaateen dilka halka saddex kalena lagu riday xukun xarig ah, waxaana lasii daayay saddex qof oo kale oo lagu wax dambi ah lagu waayay.

Maxaa ku dhacay Jamaal Khaashuqji?

Wariyahan ah 59 jirka – oo si iskiis ah uga cararay Sacuudiga sanadkii 2017-kii, kuna noolaa Mareykanka, ayaa 2-dii bishii October, 2018-kii tagay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, halkaasoo uu ka raadsanayay warqado u fududeeya guurka haweeney u doodaneyd oo lagu magacaabo Hatice Cengiz.
Su’aalo ayaa ka taagan waxa ka dhex dhacay qunsuliyadda Sucuudiga 2-dii bishii Oktoobar

Dambi baareyaasha ayaa aaminsan in haweeneyda oo ku sugeysay bannaanka hore ee qunsuliyadda, isagana lagu dilay gudaha, kaddibna hilibkiisa la jarjaray.

Haraadiga meydka Khaashuqji ayaan wali la helin.

Dilka wariyahan ayaa argagax galiyay dunida. Wakiil ay Qaramada Midoobay u xil saartay baaritaanka arrintan, oo lagu magacaabo Agnes Callamard, ayaa sheegtay in caddeyn la isku halleyn karo loo hayo inay dilkaas si shakhsi ah uga dambeeyeen Dhaxal-Suge Maxamed Bin Salmaan iyo saraakiil heer sare ah oo Sacuudiga u dhashay.

Waxay dalbatay in la sameeyo baaritaan caalami ah oo madax-bannaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here