Maxkamada Sucuudiga Oo Xukunka ka Khafiifisay Raggii loo Heystay Dilkii Wariye Khaashuqji

0
361

Maxkamada Sucuudiga Oo Xukunka ka Khafiifisay Raggii loo Heystay Dilkii Wariye Khaashuqji

Maxkamad ku taalla Sucuudi Carabiya ayaa xukunka ka khafiifisay shan qof oo loo heystay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji ee sanadkii 2018-kii ka dhacay qunsuliyada uu sacuudigu ku lahaa Istanbul.

Dacwad oogaha guud ee dalkaasi Sacuudiga ayaa sheegay in raggaasi eedeysanayaasha ah lagu riday 20 sano oo xarig ah maadama ay qoyska weriyaha cafiyeen, iyadoo ay hore maxkamadu ugu xukumay xukun dil ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ayidday xukun u dhexeeya 7 ilaa 10 sano oo lagu riday saddex qof ee kale.

Kaashuqji oo si weyn u dhaleecen jiray xukuumadda Sucuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul.

Dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriyaha lagu dilay howlgal aan fasax loo heysan, dacwad oogayaasha Sucuudiga waxay dacwad kusoo oogeen 11 qof oo aan magacyadooda la shaacin.

Shan qof ayaa hore maxkamadu ugu riday xukun dil ah kuwaas oo la sheegay in si toos ah ay uga qeyb qaateen dilka halka saddex kalena lagu riday xukun xarig ah, waxaana lasii daayay saddex qof oo kale oo lagu wax dambi ah lagu waayay.

Maxkamada Sucuudiga Oo Xukunka ka Khafiifisay Raggii loo Heystay Dilkii Wariye Khaashuqji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here