Al-Shabaab Oo Saacaddo Kooban La Wareegay Degmada Balcad

0
486

Al-Shabaab Oo Saacaddo Kooban La Wareegay Degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay u sheegeen in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta Afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada Balcad.

Waxaa jira dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay oo ay ka mid aheyd haweenay dadka kunool Balcad oo dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis inkastoo warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay Magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here