Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Puntland Oo La Filayo In Ay Muqdisho Soo Gaaraan

0
372

Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Puntland Oo La Filayo In Ay Muqdisho Soo Gaaraan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo gaaran Magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliiya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho kasoo degay wafdi hordhac u ah mas’uuliyiinta la filayo in ay soo gaaraan Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo la sheegay in ay ilaalo gaar ah u yihiin Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana la sheegay in ay si gaar ah u sugi doonaan ammaanka madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo lagu wado in Isniinta uu soo gaaro Muqdisho isaga Iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Labada Mas’uul ayaa sida la sheegay waxaa ay shir la yeelan doonaan madaxweyne farmaajo, iyadoo sida la sheegay la dhammaystiri doono arrimo la xariira doorashooyinka dalka iyo sidoo kale waxyaabo quseeya siyaasadda dalka.

Jubbland iyo Puntland ayaa ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb3 ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana ay qaaddaceen qodobadii kasoo baxay shirkaasi iyagoo sheegay in aan loo dhammeyn, inkastoo shirka ay Garoowe ay ku yeesheen ay kasoo saareen war-murtiyeed ay wada hadal ku dalbadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here