Maxey Tahay Sababta Uu Ra’iisul Wasaaraha Japan Isku Casilayo?

0
381

Maxey Tahay Sababta Uu Ra’iisul Wasaaraha Japan Isku Casilayo?

Raysal wasaaraha dalkaasi Japan Shinzo Abe ayaa lagu wadaa inuu is casilayo sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Raysal wasaaraha ayaa muddo sanada ah la xanuunsanaa gaaska caloosha balse waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisa ay ka sii dartay maalmihii dambe.

Warbaahinta dowladda NHK ayaa sheegtay, in Mr Abe uu doonayay inuusan rabin in dowladdisa usan la rabin dhibaato.

Bilowgii toddobaadkan, waxaa uu noqday raysal wasaarihii ugu muddada dheera dalkaasi Japan kaddib markii uu xafiiska la wareegay sannadkii 2012-kii.

Raysal wasaaraha ayaa waxa uu xanuunkan oo ku dhacaca mindhicirka weyn ka cabanayay tan iyo yaraantiisii.

Laba goor ayaa isbitaal booqday toddobaad gudihii waxayna taasi keentay in su’aal la geliyo xaaladda caafimaad ee Mr Abe. Ma uusan shaacin sababta uu isbitaalka u booqday, balse waxaa jira warar sheegaya in isbitaalka uu ku jiray muddo 8 saacadood ah.

Muddo xileedkisa ayaa waxa uu ku ekaa sannadka 2021-ka. Saraakiisha xisbigiisa LDP ayaa markii hore gaahsanka ku dhuftay is casilaadda Abe iyagoo ku doodayay in xaaladda caafimaad ee raysal wasaaraha ay wanaagsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here