Madaxweyne Farnaajo Oo Hakiyay Lacagtii Kabka Miisaaniyadda

0
367

Madaxweyne Farnaajo Oo Hakiyay Lacagtii Kabka Miisaaniyadda

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo in uu hakiyay lacagtii Kabka Miisaaniyadda ee ka timid Bankiga Adduunka oo loogu tala galay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir, iyo Somaliland. Lama oga sababta Madaxweynaha u hakiyay lacagtan kabka ah.

Waxaa dhawaan Miisaaniyadda Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku qeybsadeen Shirkii dhawaan dhacay.

Lacagta kabka Miisaaniyadda Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya ayaa dhammeyd 70 milyan oo dollar waxaana loo qebiyay sidan:-

Dowladda Federaalka 19 Milyan oo dollar

Puntland 9 Milyan

Galmudug 4 Milyan

Koofur Galbeed 3 Milyan

Jubbaland 3 Milyan

Hirshabeelle 3 Milyan

Gobolka Banaadir 3 Milyan

Somaliland 11 Milyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here