War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb3 Iyo Nooca Doorasho Oo La Shaaciyay

0
393

War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb 3 Iyo Nooca Doorasho Oo La Shaaciyay

Shirkii Dhuusamareeb3 ee u dhexeeyay Madaxda dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banadir ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed.

Madaxdii Dhuusamareeb ku shirsanaa ayaa isla gartay nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, waxaana War-murtiyeedka Shirka Dhuusamareeb lagu heshiiyey in doorashadu noqoto Degaan doorasho xulis ku salaysan oo xildhihaankii ay soo dooranayaan 301 ergo ah.

Waxaa shirka ka maqnaa Puntland iyo Jubaland oo shirka qaaddacay, waxaana la filayaa in ay ka hadlaan oo aqbalaan nooca doorasho ee lagu heshiiyey madama uu saaran yahay cadaasi wayn oo dhinaca beesha caalamka ah oo uu sababay ka qayb gal la’aanta shirka dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here