Madaxweynaha Somaliland Oo Diray Dhambaal Ku Aadan Sanadka Cusub

0
362

Madaxweynaha Somaliland Oo Diray Dhambaal Ku Aadan Sanadka Cusub

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgeed Hambalyo iyo Bogaadin ugu diray guud ahaan Umadda Muslimiinta ah.

Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u diray Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Khamiis ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Somaliland iyo Ummada islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaaraan bash-bash iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo” ayaa lagu yir Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Ugu dambayn Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu Umadda Islaamka u rajaynayay in Sannadka 1442-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here