Maxakamad ayaa xukun ku ridday nin ku eedeysnaa inuu dilay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan.

0
362

Maxakamad ayaa xukun ku ridday nin ku eedeysnaa inuu dilay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan.

Maxkamadda ay qaramada midoobay gacanta ku hayso ayaa xukun ku ridday nin ka tirsanaa maleeshiyada Xizbullah kaddib marki lagu helay inuu ku lug lahaa dilki loo geystay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri.

Garsoorayaasha dacwadda qaadayey oo ku sugan Netherland waxay sheegeen Saalim Ayyash inuu door muhiim ah uu ku lahaa qarixi Mr Xariiri lagu dilay 2005-kii.

Ayyash oo ah ninka ay maxkaadda xukunka dambiilanimo ku ridday iyo xubnaha kale ee dacwadda kula jira muddo lix sana ah waxay dacwaddooda socotay iyaga oo maqan.

Dilki xilligaasi loo geystay siyaasiga muslimiinta sunniga ka soo jeeda ee caanka ahaa Mr Xariiri waxay dalka Lubnaan ka abuurtay xiisad siyaasadeed oo aad u weyn.

Hase yeeshee, Xizbullah wuxuu marar badan ku gacanseydhay inuu dilka Xariiri uu wax lug ah ku lahaa.
Sacad Xariiri oo ah wiil uu dhalay Rafiiq Xariiri horayna u soo noqday Ra’isal wasaaraha dalka Lubnaan, wuxuu warbaahinta u sheegay: “Waxaan u maleynayaa cidwalba waxa ay fileysay iyo waxa maanta soo baxay, balse waxaan aaminsanahay go’aanka maxkamadda ka soo baxay inuu yahay mid lagu qanco waana aqbalanay.”

Hadda waxaa la joogaa xilligi Xizbullah ay waxbadan huri lahaayeen.

Xukunka maxkamadda ay Ayyash ku ridday ayaana ku soo beegmaya xilli dalka Lubnaan uu la daalaa dhacayo dhibaatooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Laba usbuucna ay ka soo wareegtay qaraxi naxdinta badnaa ee Beyruut gilgilay oo ay ku dhinteen ugu yaraan 180 qof.
Qaraxaasi oo sababay iney isacasisho xukumadda dalkaasi Lubnaan, isla-markaana ay billowdaan mudaharaadyo shacabka ay kaga cabanayaan burburka dhaqaale ee dalkaasi soo foodsaaray ee sababay iney dad badan shaqa la’aan noqdaan.
Xukunka maxkamadda wuxuu niyadjab uu ku abuuray taageerayaasha Rafiiq Xariiri, qoysaska 21-kii qof ee qaraaxsi ku dhimatay iyo 226 qof uu qaraxaasi dhawaaca ka soo gaaray.

Ninka xukunka lagu riday, Salim Ayyash wuxuu ahaa nin xiriir dhow la leh ururka Xizbullaah oo ah urur hubeysan oo siyaasadda dalka lubnaan saameyn badan ku leh. UK iyo Mareykanka iyo waddama kalana ay ururkaasi u yaqaannin argagixiso,

Madaxa ururka Xizbullaah xasan Nasrallaah wuxuu ku gacan seydhay inuu ururkiisu wax lug ah ku lahaa qaraxaasi, isaga horistaagay in la soo qabto Ayyash iyo xubnaha kale ee ay dacwadda ku wada socotay. Mustafa Badreddine oo ka mid ah saraakiisha ciidan ee Xizbullaah oo arrintan lala xiriiriyeyna 2016-kii waxaa lagu dilay dalka Suuriya.
Taageerayaasha Xariiri iyo dadka kalaba waxay aaminsan yihiin Ayyash inuu falkaasi u ku fuliyey amar ay siiyeen taageerayaasha Xasan Nasrallah, Suuriya iyo Iran. Maadaamaa ay u arkayeen Rafiiq Xariir u arakeyeen mid caqabad ku noqon kara danahooda siyaasadeed.

David Re oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda wuxuu sheegay maxkamaddu iney sabab heshay balse ay caddeyn buuxda helin.

Hase ahaatee, xukunka lagu riday ninkan Xizbulaah ka tirsan waxay sii hurin doontaa siyaasadda Lubnaan ee markeedi horaba xumeyd.
Xilka Ra’isal wasaaranimadiisana waxay ku ekeed 2004-tii, isaga oo isabahaysi siyaasadeed baarlamaanka kula sameystay mucaaradka kuna baaqay iney Suuriya ciidamadeeda Lubnaan kala baxdo, madaamaa ay ciidamada Suuriya ilaa iyo 1976-kii ay Lubnaan ku sugnaayen.

Sidey wax u dhaceen?
Rafiiq Xariiri wuxuu ahaa nin muslin Sunni ah oo taajir ah, wuxuuna dalka Lubnaan uu Ra’isal wasaare uu ka soo noqday shan xilli ama shan jeer inta uu socday dagaalka sokeeye oo u dhaxeysay 1975-1990-kii.
Xilka Ra’isal wasaaranimadiisana waxay ku ekeed 2004-tii, isaga oo isabahaysi siyaasadeed baarlamaanka kula sameystay mucaaradka kuna baaqay iney Suuriya ciidamadeeda Lubnaan kala baxdo, madaamaa ay ciidamada Suuriya ilaa iyo 1976-kii ay Lubnaan ku sugnaayen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here