Afgembi Ka Dhacay Dalka Maali Iyo Wasiiro La Xiray

0
377

Afgembi Ka Dhacay Dalka Maali Iyo Wasiiro La Xiray

Tacshiirad Xooggan ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay laga maqlayey Degmada kati oo u dhow Caasimadda dalka Maali ee Bamako, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal ku sugan halkaas.

Qaar ka tirsan dadka deggan Degmada Kati oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha waxay sheegeen inay saakay ku soo tooseen Rasaas ka dhacaysay Xero Milliteri oo 15-KM u jirta Qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi.

Tiro Wasiiro iyo Saraakiil darajo sare ka haya dalka Maali ayaa la xiray inta uu socday Howlgalka Afgembiga ee ka dhacay Saldhigga Milliteri ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako.

Mid ka mid ah Ilo-wareedyada la hadlay Wakaalladda Wararka Sputnik ee laga leeyahay dalka Raashiya waxay sheegeen inay Ciidanka Afgembiga waday ay gacanta ku dhigeen Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Tiebile Drame iyo Wasiirkii Maaliyadda, Abdoulaye Daffe.

Ciidanka gacanta ku dhigay Labada Wasiir waxaa la sheegay inay u kaxaysteen goob aan la aqoonin, waxaana sidoo kale la sheegay inay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda ay isku gedaameen Caasimadda Bamoko, si ay uga hortagaan hadii uu Kacdoon Ciidan ka dhaco gudaha Magaaladda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in al xiray dhamaan Dhismayaasha Dowladda iyo Safaaradaha, iyadoo Shaqaalaha lagu amray inay guryahooda aadan, si ay Dowladda heegan buuxda u gasho, haddii uu Isku-dayga Afgembiga sii ballaarto.

Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalkaasi waxay sheegayaan in Madaxweynaha Maali la geeyey goob ammaan ah, inakstoo aan Goobtaasi la shaacinin halka ay ku taallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here