Wasiir Goodax oo ka badbaaday qarax lagula eegtay Gobolka Gedo

0
433

Wasiir Goodax oo ka badbaaday qarax lagula eegtay Gobolka Gedo

Sii hayaha xilka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa galabta ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay inta u dhaxeeysa Doolow iyo Beledxaawo.

Wararka ayaa sheegaya in kolonyo uu la socday Wasiirka qarax weyn oo dhulka la geliyay lala eegtay, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray mid ka mid ah gaadiidkii galbineysay.

Labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaa la sheegayaa.

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray Garbahaarey ee Gobolka Gedo, iyagoo wax yar ka hor inta aan qaraxa lala eegan ay booqdeen qabriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa lala eegtay oo ka dhacay deegaanka Uunsi oo u dhaxeeya Doolow iyo Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here