Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Elite iyo qasaare ka dhashay

0
389

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Elite iyo qasaare ka dhashay

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay dabley hubeysan gudaha u galeen mid kamid ah hotelada ku yaal xeebta Liido kaasoo ah Hotel Elite.

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha hotelka iyadoo dad badan oo rayid ahna ay ku sugnaayeen gudaha hotelka.

Weerarka oo ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay hotelka ayaa waxaa xigey dabley hubeysan oo weerar ku qaaday hotelka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Agaasimihii xiriirka gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi uu ku dhintey qaraxa ka dhacay Hoteel Elite oo ku yaalla xeebta Liido.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay Wasiir Howlaha Guud Iyo Guryenta Galmudug Ahmed Washington.

Waxaa gudaha Hoteelka weli ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Amniga iyo Kooxdii weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here