Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Maraakiib Ay Leedahay Dowlad Iran

0
611

Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Maraakiib Ay Leedahay Dowlad Iran

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay la wareegtay 4 markab oo sida Shidaal laga leeyahay Iiran islamarkana ku sii jeeday dalka Venezuela.

Waaa shixnaddii ugu ballaarnayd oo shidaal ah oo ay Mareykanka gacanta ku dhigaan.

Ku dhawaad 1.1 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa gacanta lagu dhigay iyada oo gacan laga helayo “wadamo saaxibo la ah Mareykanka “, sida ay sheegtay wasaaardda caddaaladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Maraakiibtan ay jabiyeen cunaqabataynta Mareykanka ay Iiran ku soo rogeen.

Safiirka Iran u fadhiya dalka Venezuela ayaa sheegay in aysan jirin maraakiib shidaal sidda oo ay Iiran leedahay oo gacanta lagu dhigay.

Garsoore ku sugan Mareykan ayaa soo saaray warqadda lagu soo qabtay shixnadan shidaal ee saarneyd afarta Markab ka dib markii ay dowladda Mareykanka kiis u gudbisay maxkamada bishii aanu soo dhaafnay.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay “in ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda “shidaal malaayiin doolar ah oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka Iiraan”. Ciidamada ilaalada kacaanka Iraan ayaa ah laan ka tirsan ciidamada Iran kuwaasi oo ay Mareykanka u aqoonsan yihiin in ay yihiin urur argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here