Maxay Ka Tiri Beesha Caalamka Sharcigii Galmada Ay Diideen Golaha Shacabka?

0
711

Maxay Ka Tiri Beesha Caalamka Sharcigii Galmada Ay Diideen Golaha Shacabka?

Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay Hinse-sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay diideen inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan, kadib markii sharcigaas la horgeeyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay ka walaacsan tahay Beesha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isku dayaaya in miiska la soo saaro Hindise-sharciyeed aan ahayn.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira” ayaa lagu yiri Qoraalka QM.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa Golaha Wasiirada loogu baaqay inay dib u soo bandhigaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah” ayaa lagu soo Gaba-gabeeyay Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ka horyimid inay Akhrinta 1aad marsiiyaan sharciga dambiyada la xiriira Galmada, iyagoona sheegay inuu kahor imaanayo Shareecada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here