Tirada Arday Ka Socotay Puntland Ee Ka Qeyb Gashay Imtixaankii Dowladda Oo La Shaaciyay

0
392

Tirada Arday Ka Socotay Puntland Ee Ka Qeyb Gashay Imtixaankii Dowladda Oo La Shaaciyay

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay Imtixaankii shahaadiga ahaa tobobaadan u socday Ardayda dhameysatay Dusiga Sare, kaasi shalay soo idlaaday.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Imtixaankii shahaadiga ahaa ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ay u fariisteen in ka badan 35 kun oo Arday oo ay ku jireen 500 oo Arday, kana socotay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa boggaadisay Waalidiinta iyo Ardaydii Soomaaliyeed ee dhameeysatay waxbarashada Dugsiga sare, iyadoo dowladda ay Ardaydaas u rajeeysay Mustaqbal wanaagsan.

Waxaa kaloo Wasaaradda ay boggaadin u dirtay 500 oo arday oo ka socday dowlad Goboleedka Puntland, kuwaasi oo ay Wasaaraddu xustay inay si iskood ah uga qeyb galeen Imtixaankii shahaadiga ahaa ee shalay soo idlaaday.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here