Dowlada Itoobiya Oo Ku Hanjabtay In Ay Siday Doonto U Adeegsan Doonto Biyaha wabiga Nile

0
435

Dowlada Itoobiya Oo Ku Hanjabtay In Ay Siday Doonto U Adeegsan Doonto Biyaha wabiga Nile

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto.

Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here