Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Socda Magaalada Laascaanood Iyo Sobobta

0
445

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Socda Magaalada Laascaanood Iyo Sobobta

Waxaa Maalintii labaad Magaalada laas-caanood ee gobolka Sool ka socda banaanbax rabshado wata oo ay dhigayaan qaar kamid ah dadka ku Shaqeysta mootooyinka Bajaajta ee ku nool Magaaladaas.

Banaanbaxaan ayaa ka dambeeysay,kadib markii Ciidamada Booliska Soomalailand ee Magaalada laas-caanood ay xidh xidheen qaar badan oo kamid ah darawalada booto bajaajta oo diiday Liisamada waajibka ku ah, iyaga oo ku andacoonaya in aanay awood dhaqaale u heyn

Wararka laga helayo Magaalada laas-caanood ayaa waxaa ay sheegayaan in Maalintii labaad ay halkaasi darawalada Mooo bajaajta banaanbaxa ay dhigayaan,waxaana inta badan xiran Goobaha Ganacsiga ee Magaalada.

Ma jirto cid maamulka ah oo ilaa hada ka hadashay arrintaan,waxaana siweyn looga dareemay Guud ahaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here