Madaxweyne Erdogan oo weerar afka ah ku qaaday Dowladaha Masar iyo Imaaraadka

0
451

Madaxweyne Erdogan oo weerar afka ah ku qaaday Dowladaha Masar iyo Imaaraadka

Madaxeweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa si kulul u cambaareeyay hab dhaqanka dowladaha Masar iyo Imaaraadka Carabta oo colaada Liibiya hurinaya iyaga oo taageeraya Dagaal Ooge Khalifa Haftar.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan talaabooyinka dowlada Masar qaadeyso in ay muujineyso in ay la safatay dagaal ooge Khalifa Haftar, waxa uuna cadeeyay Erdogan in Masar ku lug leedahay arimo bilaa sharci ah.

” Tallaabooyinka ay Masar qaadeysa gaar ahaan inay la safatay dagaal ooge Xaftar waxay astaan u tahay in Masar ay ku lug leedahay arrimo bilaa sharci ah, ” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada Turkiga u tagay Liibiya aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas.

Erdogan ayaa ugu baaqay Wadamada caalamka in ay joojiyaan saliida sharci darada ah ee ka iibsanayaan Dagaal Ooge Khaliifa Haftar uu sheegay in dhiig ku daadinayo lacagta saliida looga iibsado.

“Taariikhda ayaa sheegi doonta cid kasta oo gacan ka geysatay in dalka Liibiya uu ku daato dhiig ee caawinayey xoogagga fallaagada Xaftar, Marnaba shacabka Liibiya ee aan walaalaha nahay kuma fiirsaneyno kooxaha fallaagada ah” ayuu yiri Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Madaxweynaha Masar sheegay in dalkiisa faragalin doono dagaalka Liibiya hadii Khalifa laga qabsado magaalada Sirta, waxaa Dowlado ay ku jiraan Masar iyo Imaaradaka ku lug leeyihiin dagaalka lLibiya ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here