MUQDISHO : 37 Kun Oo Arday Imtixaanka Shahaadiga U Fadhiisanaya 

0
416

MUQDISHO : 37 Kun Oo Arday Imtixaanka Shahaadiga U Fadhiisanaya

In ka badan 37 kun oo Arday ayaa Maanta oo sabti ah u fariisanaya Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka, kaasi oo ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ardayda u fariisinaya Imtixaanka Dugsiga sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana halkaas ka socda diyaar garoow ku aadan furitaanka Imtixaanka.

Ardayda ku sugan deegaanada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ee dhameystay waxbarashada Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare ayaa iyaguna waxaa ay yihiin kuwo u fariisan doono Imtixaanka Shahaadiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacad kadib si rasmi ah u daah-furi doona Imtixaanka Shahaadiga, waxaana Xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka kusii qul-qulaya boqolaal Arday.

Ammaanka Xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga dowladda ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana halkaas la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, iyagoo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa xarumahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here