Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Tegaya Magaalada Dhuusamareeb

0
506

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Tegaya Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee Maanta la filayaa inay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlin doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoona halkaas tagaya gelinka dambe ee Maanta sida uu qorshahu yahay.

Wafdi hordhac u ah Safarka Madaxweynaha ayaa shalay gaaray Caasimadda Galmudug, waxaana wafdigaas uu isugu jiray xubno ka tirsan Xafiiska Farmaajo iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa gaarka ah.

Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ay tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmaya halkaas, waxaana Magaalada ka socda diyaar garoowga soo dhaweyntiisa.

Shirkaas oo ah mid la wada sugayo ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidii loo xalin lahaa Khilaafyada jira, dib u soo celinta xiriirkii dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid siweyn loo adkeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here