Puntland Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Xubno Ka Tirsan Daacish Iyo Gaadiid Dagaal

0
437

Puntland Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Xubno Ka Tirsan Daacish Iyo Gaadiid Dagaal

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Puntland ayaa howgalo ka Sameenayay 24-kii saac ee ugu dambeyay degmooyinka ka tirsan gobolka Bari iyaga kusoo qabtay dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish iyo gaadiid dagaal ay lahaayeen.

Taliska qeybta booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in raggaan ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka ee maamulka Puntland si caddaaladda loo hor keeno maadaama dagaal lagusoo qabtay.

Saraakiisha ciidamada ma sheein magacyada iyo sawirada ragga ka tirsanaa kooxda Daacish ee ay kusoo qabteen howlgallada ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bari.

Sidoo kalana booliiska ayaa tilmaamay in gaadiid dagaal ay kaga qabsadeen Daacish howlgalka ay sameeyeen,iyaga oo sheegay in ay sii wedi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga gopbolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here