DEG DEG:-Diyaarad Goordhow Ku Dhacday Magaalada Baladweyne

0
477

DEG DEG:-Diyaarad Goordhow Ku Dhacday Magaalada Baladweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay diyaarad weyn oo dhowr daqiiqo kahor ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Diyaaraas oo aheyd nooca Xamuulka qaado ah ayaa sida la sheegay siday Deeq Gargaar ah ayna ka timid dalka Jabuuti, isla markaana waxaa ku burburtay gudaha Garoonka diyaaradaha Baladweyne.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in 3 dex qof oo saarnaa diyaaradda lab aka midana ay yihiin dulliyaal lagasoo badbaadiyay diyaaraddaas maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Dhanka kalana Warar madax bannaan aay sheegayaa in diyaaradda aay leedahay dowladda jabuuti ay sidday raashin gar-gaar ah oo loogu talagalay in loo qeybiyo dadkii uu saameynta ku yeeshay fatahaadda Webisha Shabeelle ee mara magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Shilka diyaaraddaan ayaa yimid kadib markii dab xooggan uu ka kacay xilli ay doonaysay in ay caga dhigato garoonka,iyada oo sawirro lasoo qaaday ay muujinayeen bur-bur xoog leh oo soo gaaray diyaaradda iyo uuro Madow oo ka baxaysa goobta ay ku dhacday.

Dad badan ayaa ku xoomay goobta diyaaraddu ay ku dhacday kuwaas oo qaarkood u gurmanayay halka kuwa kalana ay u tageen si ay u daawadaan,iyada oo ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne ay la wareegeen ammaanka goobta ay diyaaraddu kusoo dhacday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here