Baarlamaanka Puntland Oo Xaraashay Xaruntii Ay Ku Shaqeynayeen

0
443

Baarlamaanka Puntland Oo Xaraashay Xaruntii Ay Ku Shaqeynayeen

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shalay waxaa la horgeeyay qaraar ah in la xaraasho Xarunta haatan uu ku shaqeyo Baarlamaanka oo ku taalla bartamaha Magaalada Garoowe.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraarkaas uu Baarlamaanka horgeeyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyadoona qaraarkaas Xilldhibaanada dood adeg ka yeesheen, intaas kadibna ansixiyay.

31 Xildhibaan ayaa u codeeyey Xaraashka Xarunta Baarlamaanka Puntland uu ku shaqeeyo, 7 mudane ayaa diiday, halka 3-na ay ka aamustay, sidaasina lagu dhawaaqay in lagu ansixiyay qaraarka qaraashka ah.

Ilo ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa ay sheegeen in Goluhu ay doonayaan in ay Xarun Cusub ka dhistaan dhanka woqooyi ee Magaalada (Buurta), halkaasi oo ay ku yaallaan xarumaha kale oo ay leedahay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here