Akhriso:-Madaxda Maamul Goboleedyada Oo 5 Qodob Soo Saaray

0
406

Akhriso:-Madaxda Maamul Goboleedyada Oo 5 Qodob Soo Saaray

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay Shirweyne labadii maalin ee lasoo dhaafay halkaas uga socday Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Intaas kadib Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 5 qodob oo dhinacyada ay ka wada hadleen labadii maalin ee Shirka Madaxda Maamulada uga socday Dhuusamareeb.

War-murtiyeedka qodobada ku jira ayaa waxaa in Doorashada ka dhaceysa ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, sidoo kale Madaxweyneyaasha ayaa ku baaqay inay Shir isugu yimaadan Madaxda dowladda Federaalka iyo Maaamul Goboleedyada.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb.

1- In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

2- In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3- Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4- Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5- Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here