Khasaaro Ka Dhashay Dagaalkii Ka Dhacay Dhuusamareeb

0
444

Khasaaro Ka Dhashay Dagaalkii Ka Dhacay Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya Maanta ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Dagaalkaas oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu sigaar ah u dhexmaray Ciidanka Nabadsugida iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad oo xiligii Doorashadii Galmudug la geeyay halkaas.

Dagaalka ayaa ka bilaawday muran ka taagnaa mmaalmihii lasoo dhaafay adeegsiga Bar Koontarool oo Ciidamada Booliska Haramcad ay maamulaan, halkaas oo dhowr jeer lagu celiyay xili ay doonayeen inay maraan saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen inta uu socday dagaalka rasaas xoogan oo labada dhinac Isdhaafsanayeen, wallow haatan uu dagaalka istaagay, kadib dadaalo la sameeyay.

IInta la ogyahay ku dhawaad 5 ruux oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah ayaa rasaasta ku dhaawacmay, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla halkaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada una dhexeeyay Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here